Kadib dadaal iyo wadahadallo istiraatiiji ah oo socday muddo sannad ah, Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Ambassador Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa ku guuleystay in Soomaaliya iyo Kenya ay gaaraan heshiis muhiim ah oo xoojinaya iskaashiga waxbarasho ee labada dal. Is-afgaradkan, oo daba socday shir ay bishii May ee sanadkii hore yeesheen mas’uuliyiinta waxbarashada ee labada waddan, ayaa si rasmi ah u fududeynaya aqoonsiga shahaadooyinka ardayda Soomaaliyeed iyo helitaanka fursado waxbarasho oo siman.
“Tani waa guul muhiim ah oo ardayda Soomaaliyeed u sahleysa in shahaadooyinkooda si rasmi ah loogu aqoonsado Kenya, taasoo meesha ka saaraysa caqabadihii horay u jiray,” ayuu yiri Danjire Jibriil.
Mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee lagu heshiiyay ayaa ah in ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jebiya jaamacadaha Soomaaliya loo aqoonsado shahaadooyinkooda, taasoo si buuxda u sahleysa in ay waxbarashadooda ka sii wataan Kenya iyada oo aanay la kulmin wax caqabad ah.
“Waa lagama maarmaan in ardayda Soomaaliyeed aan loo arkin ajaanib marka ay Kenya waxbarasho u yimaadaan. Waa inay helaan xuquuq la mid ah tan ardayda kale ee Bariga Afrika,” ayuu yiri safiirku.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu dhigayaa in ardayda Soomaaliyeed ee wax ku bartay Kenya, haddii ay dalkooda kusoo laabtaan, laga dhaafo lacagaha dheeraadka ah ee jaamacadaha Soomaaliya ay ka qaadaan ardayda dibadda wax ku soo bartay.
Dowladda Kenya ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga waxbarasho ee labada dal, iyada oo la isla gartay in dugsiyada ay bixiso ay qayb ka mid ah loogu talagalay ardayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ayaa si rasmi ah loogu xilsaaray in ay fududeyso adeegyada ardayda Soomaaliyeed, si loo hubiyo in xuquuqdooda waxbarasho la ilaaliyo.
“Ardaydu waa mustaqbalka dalkeenna. Waa muhiim in la abuuro jawi waxbarasho oo ay si xor ah ugu horumari karaan,” ayuu yiri Danjiraha.
Danjire Jibriil, oo hoggaaminayay wadahadalladan muddo sannad ah, ayaa xusay in heshiiskan uu u gogol xaarayo mustaqbal ifaya oo ay ardayda Soomaaliyeed ka faa’iideysan doonaan.
“Soomaaliya iyo Kenya waxay si rasmi ah u hirgelinayaan iskaashi waxbarasho oo ardayda Soomaaliyeed u furi doona albaabo cusub. Guulaha la gaaray waa bilow, waxaana naga go’an in aan sii xoojino dadaalkan,” ayuu ku soo gabagabeeyay.
Heshiiskan wuxuu dhaxal gal u noqonayaa kumannaan ardayda Soomaaliyeed oo wax ku baranaya Kenya ama doonaya in shahaadooyinkooda la aqoonsado, taasoo muujineysa horumarka laga gaaray dadaalladii uu safiirku