Maamul Goboleedka Puntland ayaa dhawaan ku soo rogay amar cusub oo ku saabsan qaabka loo baahinayo xogaha la xiriira dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad, oo ay kula jiraan kooxda Daacish.
Amar-kan ayaa ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Puntland, waxaana si rasmi ah u saxiixay wasiirka wasaaradda, Maxamuud Caydiid Dirir.
Warsaxaafadeedka ayaa si cad u sheegay in warbaahinta kala duwan aysan faafin karin wax xog ah oo ku saabsan dagaalka, ilaa iyo inta aysan si rasmi ah uga soo bixin maamulka Puntland.
Waxa kale oo lagu amray warbaahinta inaysan soo tabin karin wax warbixin ah oo ku saabsan furuumaha dagaalka ama aysan tagin goobahaasi.
Dagaalka ka socda buuraha Calmiskaad ayaa ah mid si weyn loogu dagaalamayo, laakiin sababaha amarkaasi la xiriira weli si rasmi ah looma faahfaahin. Qoraalka waxaa lagu xusay in wariyayaasha ama warbaahinta aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Warfaafinta aysan aadi karin furimaha dagaalka.
Tani waxay muujineysaa in Puntland ay doonayso in ay xakameyso faafinta xogaha ku saabsan dagaalka si loo ilaaliyo amniga iyo macluumaadka la xiriira howlgallada ka socda gobolka.