Mukhtar Maxamed Shariif, oo ah Soomaali ayaa xukun adag oo 17 sano iyo bar ah u mutaystay Jimcihii kadib markii lagu helay khiyaanooyin la xariira wax is daba marin iyo ka faaiidida COVID-19, waana xukunkiii ugu adkaa ee kiiskan ilaa iyo hadda.
Maxkamaddu waxaa ay sheegatay inay ku heshay Khiyaamada $250 milyan oo loogu talagalay Barnaamijka“Feeding Our Future”, waxaana uu aha Mashruuc loo qoondeeyey in lagu caawiyo carruurta danyarta ah.
Ka dib maxkamad fadhigeedu ahaa U.S. District Court oo socotay toddoba isbuuc ee bishii Juun 2024, oo uu guddoomiyey garsoore Nancy E. Brasel, ayaa Shariif lagu helay dambiyo afar ah.
“In aan ogaado in ficiladeyda ay saameyn ku yeelan karaan sawirkaas oo xitaa ay keeni karaan aragtiyo taban oo ku saabsan bulshadaas, waa culeys weyn oo aan qaaday,” ayuu Shariif si qalbi jab leh u yiri. Si kastaba ha ahaatee, raali-gelintiisa shucuurta leh, uma aysan saameynin garsoore Nancy Brasel.
“Markii adduunka uu ahaa mid ugu nugul, adigu ma aheyn caawiyaha; waxaad ahayd tuug,” ayay Brasel tiri, iyadoo carrabka ku adkaynaysa in Shariif uu muujiyey “niyad jab weyn oo sharci.”
Garsooraha ayaa ku dhawaaqay xukunka 210 bilood (17 sano iyo bar), iyo magdhow gaaraya $48 milyan oo doolar.
Taageerayaasha Shariif, kuwaas oo ka badan 100 qof, ayaa si shucuur leh uga jawaabay xukunka. Qaar ayaa ooyay, qaar kale ayaa muujiyay caro. Nin ayaa ku qayliyay, “Caddaalad ma jirto,”.
Dacwad-oogayaasha ayaa sidoo kale ku eedeeyey Shariif inuu hor istaagay caddaaladda isagoo tirtiray barnaamijka Signal ka iyo inuu duubay markhaatifurayaashii intii ay socotay maxkamadda.
Khiyaamadan waxay ka faa’ideysteen isbeddelada lagu sameeyey Barnaamijka Cuntada Carruurta ee Federaalka intii lagu jiray faafida COVID-19, iyadoo si ku-meel-gaar ah loo fududeeyey kormeerka si carruurtu u helaan cunto xilliyada xiritaanka dugsiyada.
Barnaamijkan, oo ay maamusho Waaxda Cuntada ee Mareykanka (USDA) iyo Wasaaradda Waxbarashada ee Minnesota, ayaa siiyey lacagaha loogu talagalay ururada taageera ee ku bixiya cuntada.
Shariif iyo dadka kale ee lala shaqeeyay ayaa lagu eedeeyay inay been abuureen tirakoobyada cuntada, warqadaha xisaabaadka, iyo diiwaanada shaqada si ay u sheegaan lacagaha loogu talagalay cunnooyin aan la bixin.
Ku-xigeenka Garsooraha Mareykanka, Lisa Kirkpatrick, ayaa ku tilmaantay khiyaamadan “xatooyo furan” oo lagu lunsaday lacagaha loogu talagalay carruurta.
Shariif, oo 34 jir ah, ayaa ahaa Agaasimaha Guud ee Afrique Hospitality Group, Dacwad-oogayaasha ayaa sheegay inuu Shariif jeebkiisa geliyey in ka badan $1.3 milyan, isagoo sameeyey qaan sheegashooyin been abuur ah oo ku saabsan cuntooyinka la siinayay ilaa 3,500 carruur ah maalin walba.
Carruurta ayay sheegtay Maxkamaddu inay ahaayen baankood wax aan jirin, iyo abuurista shirkado been abuur ah.
Khiyaamadan, oo ay ku lug leeyihiin 70 eedaysane, ayaa niyad jab ku abuurtay Minnesota. waxay dhaawacday kalsoonida bulshada iyo sumcadda bulshada Soomaaliyeed ee Mareykanka.