Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta keydka Daawada ee Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose Xamar oo ay fulintiisa iska kaashan doonan Maamulka Gobolka Banaadir iyo hey’adda Qatar Jaarati, waxaana dhagax dhigan goob joog ka ahaa Gudoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir.
Aggaasimaha waaxda Caafimaadka ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiraxmaan Axmed Maxamud oo dhagax dhiga mashruucan ka mahadceliyay ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay hirgalinta dhismaha keydka Daawada.
Madaxa mashaariicda hey’adda Qatar Jaarati Mudane Cabdicasiis jaasim ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihiin taageerada barnaamijyada lagu horumarinayo dib u dhiska Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in ay ka go’an tahay fulinta mashaariic wax tar u leh bulshada Gobolka Banaadir iyo in Caasimadda ay la tartanto magaalooyinka dhigeeda ah.