HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo cambaareyay weerarkii ka dhacay Ankara, tacsina u...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo cambaareyay weerarkii ka dhacay Ankara, tacsina u diray Madaxweynaha Turkiga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Mogadishu, 18 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas o ay ku dhinteen 28 qof, 61 kalena ay ku dhaawacmeen. “Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaaga tacsiyeynayaa dilka dadka aan waxba […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Mogadishu, 18 February 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u diray Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip ErdoÄŸan, kadib weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara, kaas o ay ku dhinteen 28 qof, 61 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan kaaga tacsiyeynayaa dilka dadka aan waxba galabsan ee weerarkii xalay lagu dilay, iyo kuwa ku dhawacmeyba. Weerarkan waxaa uu ahaa mid waxashnimo oo fuul xun. Waxaan kuu caddeynayaa in shacabka Soomaaliyeed ay walaalahoda Turkiga ku garab taagan yihiin dagaalka lagula jiro argagixisada. Waxaa naga go’an xaqiijinta in dalalkeena ay noqdaan kuwo ka madaxbanaan kooxaha xag-jirka ah, taageerayaashooda iyo dhaqdhaqaaqoda intaba,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaa ku darey in dunida looga baahan yahay inay iska kaashato, si hufanna isugu abaabusho sidii looga adkaan lahaa kooxaha argagixisada, kuwaas oo weeraro naceyb ku dhisan ku qaadaya aadminimada iyo ilbaxnimada.

“Waxaan si xooggan u cambaareynayaa weerarkan lagu dilay dadka aan waxba galabsan. Weerarkan waxaa uu ahaa mid ka dhan ah nabada iyo ilbaxnimada caalamka. Waxaan si buuxda u garab taaganahay, murugadana la qeybsaneynaa walaalaheena Turkiga. Waxaan aaminsanahay in dhagar-qabeyaasha weerarkan geystey cadaaladda la hor keeni doono adduun iyo aakhiraba.’’

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dadka dhaawacmey Ilaahay uga baryey inay deg-deg u caafimaadaan, kuwa dhinteyna uu Ilaahay Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoysaskoodana uu samir iyo iimaan ka siiyo.

- Advertisement -

——————————— DHAMMAAD—————————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts