Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 Tahriibayaal Soomaali ah oo dib uga soo laabtay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).
Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah. Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay wehliyaan Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan, Ergeyga Gaarka ah ee Socdaalka iyo Qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.
Danjire Yunis Xaashi oo ku hadlayay magaca Wasiirka ayaa yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM, waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.
Duulimaadkan ayaa noqonaya kii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lagu celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM. Soogalootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero degdeg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad, iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo Shaqa abuur ah si ay noloshooda u maareeyaan.
Dowladda Federaalka waxaa ka go’an ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.