HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ergayga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ergayga Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee dowladda Shiinaha Wakiilka uga ah Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkeenna.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada waddan ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha,siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbrashada si loo kobciyo danaha ay wadaagan Soomaaliya iyo Shiinaha.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa danjiraha la wadaagay horumarada uu gaaray dalkeenna iyo fursadaha maalgashi ee ka bannaan, taas oo ay wadaagi karaan Soomaaliya iyo Shiinaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya waqtigan u diyaarsan tahay la falgalidda caqabadaha iyo fursadaha isku sidkan ee ka imaan kara heer Gobol iyo kuwa caalamiga ah.

Dhankiisa, Danjire Xue Bing ayaa uga mahadceliyey Madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta wanaagsan ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka ee amniga, la dagaallanka argagixisada iyo xaqiijinta nabadda iyo horumarka Geeska Afrika, taas oo ku saleysan daris wanaag, is ixtiraam iyo nabad ku wada noolaanshaha dalalka Gobolka.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts