HomeWararMaxaa ka jira in ay burbureen wadahaladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya?

Maxaa ka jira in ay burbureen wadahaladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya?

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wajigii 3aad ee wadahadallada Ankara, ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo loo qorsheeyay 17-ka Sebtembar, ayaa si lama filaan ah dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee baajinta shirka. Dib u dhacaasi ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay, isla markaana hadallo xanaf leh oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wajigii 3aad ee wadahadallada Ankara, ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya oo loo qorsheeyay 17-ka Sebtembar, ayaa si lama filaan ah dib loo dhigay, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ah ee baajinta shirka. Dib u dhacaasi ayaa ku soo beegmaya iyadoo xiisadda labada dal ay cirka isku shareertay, isla markaana hadallo xanaf leh oo hawada laysu mariyay ay carqalad ku noqon karaan sii socoshada wada xaajoodka.

Labada dal ayaa horay ugu guul-darraystay inay heshiis rasmi ah ka gaaraan wajiyadii koowaad iyo labaad ee wadahadallada Ankara, inkastoo dowladda Turkiga ay sheegtay inay jiraan calaamado muujinaya isku soo dhowaansho. Si kastaba ha ahaatee, arrinta ugu weyn ee khilaafka keentay ayaa ah heshiiska marin biyoodka ee Itoobiya ay la gashay maamulka Somaliland, taasoo Soomaaliya si cad uga hortimid.

- Advertisement -

Soomaaliya waxay ku adkeysatay in Itoobiya ay ka laabato heshiiskaas, taasoo ay u aragto mid si weyn ugu xadgudbeysa qaranimada iyo madax-bannaanida dalkeeda. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa dhowaan ku hanjabay in haddii Itoobiya aysan dib uga noqon heshiiskaas, Soomaaliya ay wadashaqayn la yeelan doonto kooxaha jabhadaha gooni-goosadka ah ee ka jira gudaha Itoobiya.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa iyaduna walaac xooggan ka muujisay xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Masar. Itoobiya waxay ku eedaysay madaxda Soomaaliya inay iskaashi difaac la galeen Masar, oo ah dal ay Itoobiya ku muransan yihiin arrimaha biyaha webiga Nile. Itoobiya waxay ku adkeysatay inay sii difaacayso heshiiska ay la gashay Somaliland, taasoo ka sii dartay xiisadda.

Dib u dhaca shirkan ayaa keeni kara in wada-hadallada uu Turkiga garwadeenka ka yahay ay burburaan, taasoo ka dhigan in xiisadda siyaasadeed ee labada dal ay sii xoogeysan karto. Dowladda Soomaaliya ayaa horay uga digtay inay qaadi doonto tallaabooyin waaweyn haddii Itoobiya aysan ka noqon mowqifkeeda ku aaddan heshiisyada muranka dhaliyay. Xiisaddan ayaa ah mid khatar gelin karta xiriirka labada dal, iyadoo u muuqata in wadaxaajood kasta oo mustaqbalka la qaban lahaa uu yahay mid aad u nugul.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts