HomeWararRW Xamse oo ka hadlay weerarkii Xalay lagu laayay dadka shacabka ahaa

RW Xamse oo ka hadlay weerarkii Xalay lagu laayay dadka shacabka ahaa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. “Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay falkii bahalnimo ee kooxaha Khawaarijta ah ku xasuuqeen xalay shacab Soomaaliyeed oo ku fiidsanayay xeebta Liido, inuu yahay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka suubban, oo lagu dabargoynayo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.

“Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay qaraxa, kuwaas oo u baahan in wadajir loogu istaago gurmadkooda.

Mudane Xamsa ayaa tacsi u diray ehellada dadkii ku dhintay weerarkaasi arxan darrada ahaa, isaga oo Alle uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo intii ku dhaawacmay qaraxa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts