HomeWararQM oo ka digtay cunto-xumo soo food saari karta Malaayiin qof oo...

QM oo ka digtay cunto-xumo soo food saari karta Malaayiin qof oo Soomaali ah.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay ku dhawaad 40% dadka Soomaalida ku si ijiri doonaan xaallad xumo dhinaca ammaanka cuntada, laga bilaabo xilliga ilaa bisha June ee sannadkan. Afhayeenka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha ee FAO sheegtay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay ku dhawaad 40% dadka Soomaalida ku si ijiri doonaan xaallad xumo dhinaca ammaanka cuntada, laga bilaabo xilliga ilaa bisha June ee sannadkan.

Afhayeenka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha ee FAO sheegtay inay Somalia ka jirto xaallad Abaar, isla markaana aanu Roobka si wanaagsan u gu da’in Somalia.

- Advertisement -

Afhayeenka oo soo xiganayo Warbixinta FAO waxa uu sheegay inay macluul aad u daran ka jirto qeybo badan oo ka mid ah Somalia.

Waxa uu tilmamaay in Warbixinta muujinayso Ku-dhawaad 4.7 million oo Soomaali oo u dhiganta 38% Tiradda Guud ee Dadka Soomaalida u baahnaan doonaan Gargaar Aadminimo tan iyo inta laga gaarayo bartamaha sannadkan 2016-ka.

Digniinta ka soo baxday Hay’adda FAO ayaa ku soo beegmaysa labo maalin kadib, markii uu Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka Somalia, Peter de Clercq  shacaiyey inay  58,300 carruur Somali ahu geeriyoon doonaan macluul, haddii aanan lala gaarin Gurmad degdeg ah.

- Advertisement -

Waxa uu xusay inay Abaaro xun ka jiraan Somalia, gaar ahaan Maamuladda Puntland iyo Somalia, lagana yaabo inay dad badan khatar kala kulmaan Abaarahaasi.

Dhinaca kale,  Hay’addaha Samafalka Caalamiga ee ka hawlgala Somalia waxay soo bandhigeen Qorshahooda Samafalka ee sannadkan, waxayna codsadeen lacag dhan 885 million oo Dollar si loogu kharaj gareeyo inta badan Adeegga Baahida Degdegga ah ee 3.5 million oo qof oo Soomaali ah.

©Radio Dalsan        

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts