HomeWararGarqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxay oof-wareen iyo Sharaf-ka-dhac ku tahay Tubta Garsoorka...

Garqaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxay oof-wareen iyo Sharaf-ka-dhac ku tahay Tubta Garsoorka Qaranka.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

 Bilowgii isbuucan, Guddoomiyaha Maxakmadda Sare, Avvocate Caydiid C/llaahi Ilka-xanaf waxa uu si aan gambasho lahayn u xukun qaloociyey Dacwad uu Xoghayihii Guud ee hore ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NOSOJ), Cumar Faaruuq Cusmaan  ka soo gudbiyey Wasaaraddaha Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda, oo uu ku sheegay inay faragelin ku hayaan Suuxfiyiinta.

Ilko Xanaf dacwadda uma qaadin labada dhinac ee u dhexeysay, Wuxuuna markii dambe xukmiyey Dacwad aan meesha oolin oo uu ku soo nooleynayo Xil horey looga qaaday Xoghayihii hore ee  Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan.

Go’aanka uu Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ka soo saaray Dacwadaasi ayaa noqotay mid uu marin habaabiyey, isla markaana uu Xukunkiisa ku halbeegay go’aanka uu u arkay inuu Shaqsi ahaan ku caano-maali karo.

Xukunka uu Caydiid Ilka Xanaf ka soo saaray Dacwad-qaadista u dhexeysay Cumar Faaruuq Cusmaan iyo Wasaaraddaha  Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska  iyo Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Federalka iyo Wasaaradda Shaqada ayaa waxa uu noqday Go’aan Rimay-gacmeed ah, taasi oo uu meel fagaare ah kaga sheegay Go’aanka Rabitaankiisa ee ahaa  inuu Cumar Faaruuq Cusmaan yahay Xoghayaha Guud ee NUSOJ.

Xukunkaasi waxa uu  ka hor imaanayo  Qoddobka 107-aad ee Dastuurka Qaranka, gaar ahaan Farqadiisa 2-aad iyo 3-aad.

Qoddobkaasi waxa uu tilmaamayaa in dhinacyadda is-dacweynayo si siman loo dhegeysto, lana siiyo Fursado ay ku qabsadaan Garyaqaano difaaca.

Ilka-xanaf, xitaa haddii uu doonayey inuu qaado Xukunka Hoggaanka NUSOJ, waxay ahayd inuu isugu yeero Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibraahim Pakistan iyo Xoghayihii hore ee NUSOJ, Cumar Faaruuq Cusmaan, kadibna uu dhinac kasta dhegeysto, ka hor inta uusan ku dhawaaqin Xukun Bud-la-duul oo aan loo maydaan dayin.

Balse, taasi ma dhicin, wuxuuna ku dhawaaqay Go’aan Hal dhinac ah, wuxuuna iskiisa u magacaabay inuu Cumar Faaruuq yahay Xoghayaha Guud ee NOSOJ, taasi oo ay ka wada hor yimaadeen dhamaan Suxufiyiinta iyo Qeybaha Warbaahinadda Madaxa Bannaan ee Somalia.

Sharci-yaqaanadda ayaa si kulul u naqdiyey Xukunka  Ilka Xanaf, kuna tilmaamay mid aan waafaqsanayn Qaabka Garsoorka Qaranka  iyo inuu Xukunkiisa yahay Xukun-xumo aan Garowshiyo Lahayn.

Halbeegga Dacwad-qaadista ayaa lagu qeexaa Xukun ay u siman yihiin Dhinacyadda is-dacweynayo, wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ku fashilmay inuu abaaro Nuxurka Dacwad-oogista labada dhinac ee ay dacwadda ka dhexeyso.

Waxa uu dacwadda ka dhigtay Qaabka uu isagu rabo, wuxuuna si il-duufsi leh u marin habaabiyey Dacwad-qadista.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare waxa uu u muuqdaa Mas’uul xukunkiisa ay qeybaha Bulshadda si xooggan uga cawdaan, kuna tilmaamaan inuu yahay Mas’uul xukunkiisa ku taageera hadba meesha uu ka arko inuu ka helayo rabitaankiisa.

Waxaana jira Mas’uuliyiin qaabka dalaalka oo kale ula shaqeysta, kuwaasi oo  wada xiriiriya Ilka Xanaf iyo hadba Dacwoodaha kiiskiisa dufanaysan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Garqaadista Ilka Xanaf waxay muuqaal-xumo ka bixinaysa Garsoorka Qaranka, Xuquuqda Muwaadiniinta iyo Dhowrista Dastuurka Qaranka.

LA SOCO QEYBO KALE

©Radio Dalsan         

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories