HomeWararQM oo ka digtay cunto-xumo soo food saari karta Malaayiin qof oo...

QM oo ka digtay cunto-xumo soo food saari karta Malaayiin qof oo Soomaali ah.

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Afhayeenka QM, Stephane Dujarric ayaa sheegay inay ku dhawaad 40% dadka Soomaalida ku si ijiri doonaan xaallad xumo dhinaca ammaanka cuntada, laga bilaabo xilliga ilaa bisha June ee sannadkan.

Afhayeenka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee QM ee magaalladda New York ayaa sheegay inay Hay’adda QM ugu qaabilsan Cuntadda iyo Beeraha ee FAO sheegtay inay Somalia ka jirto xaallad Abaar, isla markaana aanu Roobka si wanaagsan u gu da’in Somalia.

Afhayeenka oo soo xiganayo Warbixinta FAO waxa uu sheegay inay macluul aad u daran ka jirto qeybo badan oo ka mid ah Somalia.

Waxa uu tilmamaay in Warbixinta muujinayso Ku-dhawaad 4.7 million oo Soomaali oo u dhiganta 38% Tiradda Guud ee Dadka Soomaalida u baahnaan doonaan Gargaar Aadminimo tan iyo inta laga gaarayo bartamaha sannadkan 2016-ka.

Digniinta ka soo baxday Hay’adda FAO ayaa ku soo beegmaysa labo maalin kadib, markii uu Xiriiriyaha Hawlaha Samafalka Somalia, Peter de Clercq  shacaiyey inay  58,300 carruur Somali ahu geeriyoon doonaan macluul, haddii aanan lala gaarin Gurmad degdeg ah.

Waxa uu xusay inay Abaaro xun ka jiraan Somalia, gaar ahaan Maamuladda Puntland iyo Somalia, lagana yaabo inay dad badan khatar kala kulmaan Abaarahaasi.

Dhinaca kale,  Hay’addaha Samafalka Caalamiga ee ka hawlgala Somalia waxay soo bandhigeen Qorshahooda Samafalka ee sannadkan, waxayna codsadeen lacag dhan 885 million oo Dollar si loogu kharaj gareeyo inta badan Adeegga Baahida Degdegga ah ee 3.5 million oo qof oo Soomaali ah.

©Radio Dalsan        

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories