Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda ee UPDF, Jeneral Katumba Wamala ayaa sheegay inay saamayn ku yeelatay go’aanka ay Dowladaha Midowga Europe ku gaareen in la dhimo Mushaaraadka la siiyo Ciiddanka Nabad-ilaaliyayaasha Afrikaanka ee  qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM ee Somalia.
Jeneral Katumba Wamala, ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska The Observer ee ka soo baxa dalka Uganda, wuxuuna xusay in Siyaasadda Dowladda Uganda tahay sidii dalalka deriska loo badbaadin lahaa, loogana dhigi lahaa Nabad.
Waxa uu saadaaliyey inay dhici karto in la yareeyo Ciiddanka Uganda ka jooga Somalia, maadaama ay Midowga Europe hoos u dhigeen Mushaarka Askarta AMISOM.
Mar wax laga weydiiyey waxa dhaliyey Mushaar La’aanta soo wajahday Ciiddanka Uganda ee qeybta kaa ah Hawlgalka AMISOM, waxa uu tilmaamay in aysan Dowladaha Afrika bixin karin Mushaaraadka Askartooda, taasi bedelkeedana waxaa Mushaarka AMISOM bixiya Dowladaha Midowga Europe, oo iyagu Kharajka u soo gudbiya Ururka Midowga Afrika.
“Haatan, haddii ay Midowga Europe dib u dhigeen Bixinta Mushaarka, Ururka Midowga Afrika ma hayaan Lacago ay bixiyaan†ayuu yiri Jeneral Katumba Wamala oo qiray inaysan Askarta Uganda ee qeybta ah AMISOM qaadanin mudhaar muddo dhowr bilood ah oo ay ku shaqeynayaan Naf-hurnimo.
Waxa uu intaasi ku daray inay Ciiddanka og yihiin arrintaasi, wuxuuna beeniyey inaysan Dowladiisa doonaynin inay bixiyaan Mushaarka Askartooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciiddanka Uganda ee UPDF, Jeneral Katumba Wamala waxa uu cabasho xooggan ka muujiyey Qorshaha ay Midowga Europe ee ay bishii Janaayo ku sheegeen inay  jareen 20% mushaarka Askarta AMISOM, wuxuuna xusay inaysan  Dowladda Uganda ka hadli karin go’aankaasi.
Waxa uu sheegay inay Dowladda Uganda la gudboon tahay inay ku heshiiyaan Saddex Go’aan qaadasho, oo kala ah  in la yareeyo Lacagaha Gunada ee bil kasta laga jaro Ciiddanka Uganda ee qeybta ah Hawlgalka AMISOM, ama in la yareeyo Ciiddanka loo dirayo Somalia, ee ku biirayo Hawlgalka AMISOM.
Waxa kaloo uu sheegay inuu jiro Go’aan-qaadasho 3-aad oo ah inay QM buuxiyaan Kharajka 20% ee laga jaray Mushaarka ay Dowladaha Midowga Europe siiyaan Ciiddanka ka tirsan Hawlgalka AMISOM.
Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM, waxay bil kasta mushaar u qaadan jireen lacag dhan 1,028 Dollar oo u dhiganta 3.3 million oo Uganda Shillings ah.
Waxaana Askari kasta laga jaraa 200 Dollar oo ay Wasaaradda Difaaca Uganda sheegtay inay tahay Qaaraan Ciiddanka loogu dhisayo Isbitaal Casri ah.
Si kastaba ha ahaatee, Ciiddankaasi wax mushaar ah lama siinin muddo 7 bilood oo ka tirsan sannadkii hore, iyadoo Wasiiru-dowlaha Difaaca ee Uganda, Jeneral Jeje Odongo arrintaasi u sheegay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Gudahaee Barlamaanka Uganda.
Xigasho: The Observer
©Radio DalsanÂ