HomeWararMaamulka Daallo Airlines oo ku eedeeyey Turkish Airlines inaysan la wadaagin Xogta...

Maamulka Daallo Airlines oo ku eedeeyey Turkish Airlines inaysan la wadaagin Xogta Sirdoonka ee ay ka hayeen Qaraxii.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin oo Wareysi Khaas ah siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ayaa ku eedeeyey  Shirkadda Turkish Airlines inay ka gaabiyeen inay Daallo Airlines la wadaagaan Xogaha dhinaca Ammaanka ee ku aadanaa inay hakiyeen Duullimaad ay ku imaan lahaayeen magaalladda Muqdisho. Waxa uu tilmaamay in Turkish Airlines go’aansadeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin oo Wareysi Khaas ah siiyey Wakaalladda Wararka ee AP ayaa ku eedeeyey  Shirkadda Turkish Airlines inay ka gaabiyeen inay Daallo Airlines la wadaagaan Xogaha dhinaca Ammaanka ee ku aadanaa inay hakiyeen Duullimaad ay ku imaan lahaayeen magaalladda Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in Turkish Airlines go’aansadeen inay joojiyaan Labo Duullimaad o oay ku imaan lahaayeen Muqdisho, taasi beddelkeedana ay Daallo Airlines ku soo wareejiyeen Rakaabkii ka baaqday Duullimaadka Turkish Airles.

- Advertisement -

Mas’uulka ugu sarreeya Maamulka Shirkadda Daallo Airlines oo isagoo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta la hadlay Wakaalladda Wararka ee AP waxa uu carrabka ku dhuftay in laaga yaabo in go’aanka Turkish Airlines u soo wareejisay Rakaabkaasi ahayd iyagoo helay Warar dhinaca Sirdoonka oo ku aadan Cabsi dhinaca Ammaanka “a possible security threat”.

“Waan og nahay, waana taqaanaa, Turkish Airlines waxa heleen nooc digniin dhinaca Ammaanka, balse, aysan la wadaagin una soo gudbinin Daallo Airlines,” ayuu yiri Agaasimaha Fulinta ee Shirkadda Diyaaradaha Daallo Airlines, Maxamed Ibraahim Yaasiin.

Waxa uu intaasi ku daray inaysan caadi ahayn in wargelin kooban lagu joojin karo Duullimaadyada imaanaya ama kuwa ka baxayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.

- Advertisement -

Mas’uulkaasi waxa uu tilmaamay inay Shirkadda Daallo Airlines si KMG u hakinayaan Duullimaadyaddii ay ku imaan jireen magaalladda Muqdisho, sababo la xiriira qarixii maalintii Talaadadii hore ka dhacay gudaha Diyaaradda Daallo Airlines.

Dhinaca kale, Afhayeenka Shirkadda Turkish Airlines, Yaxya Ustun ayaa ku dooday inaysan jirin Duullimaadyo ay u joojiyeen sababo dhinaca Ammaanka ,wuxuuna Duullimaadyadii baaqday isbuucii hore ku tilmaamay sababo la xiriiray dhinaca Cimiladda, iyo in  la fariisiyey tiro ka mid ah Duullimaadii u qorsheysnaa Shirkadda Turkish Airlines oo uusan cadadkeeda sheegin.

ASTAANTA DAALLO

TURKISH AIRLINES

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts