HomeWararMuwaadiniin Somali lagu qabtay Garoonka Mandera oo la xukumay.

Muwaadiniin Somali lagu qabtay Garoonka Mandera oo la xukumay.

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Afar Muwaadin oo Somali ah ayaa la sheegay in lagu ganaaxay midkiiba lacag dhan 5.5 million ee Shillinka Kenya ama Xabsi min 10-sanno ah. Muwaadiniintaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Zakariya C/llaahi Axmed, C/qaadir Shariif Cabdinuur, Ubax C/raxmaan Xasan iyo Faadumo Canshuur ayaa la sheegay in isbuucii hore lagu qabtay iyagoo Garoonka Diyaaradaha Mandera ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afar Muwaadin oo Somali ah ayaa la sheegay in lagu ganaaxay midkiiba lacag dhan 5.5 million ee Shillinka Kenya ama Xabsi min 10-sanno ah.

Muwaadiniintaasi oo magacyadooda lagu kala sheegay Zakariya C/llaahi Axmed, C/qaadir Shariif Cabdinuur, Ubax C/raxmaan Xasan iyo Faadumo Canshuur ayaa la sheegay in isbuucii hore lagu qabtay iyagoo Garoonka Diyaaradaha Mandera ka raaci lahaa Diyaarad ku soo jeeday magaalladda Nairobi.

- Advertisement -

Boliska Mandera ayaa ku soo oogay dadkaasi inay wateen Fiisooyin Kenyan oo aysan iyaga lahayn iyo inay Sharci la’aan ku joogeen Kenya.

Eedeysanayaasha waxay sheegeen in lagu khiyaaanay Fiisaha, loona sheegay inay ku tegi karaan Nairobi, waxayna dhamaantooda ka codsadeen Maxkamadda Mandera in la cafiyo.

Ilo-wareed ku dhow Boliska, waxay sheegeen inay Eedeysanayaasha u fududeeyeen Dukumentiyadda qaar ka mid ah Saraakiisha Boliska Kenya ee joogta Xuduudka iyo Wakiil ka tirsan Shirkadaha Diyaaradaha Maxaliga ee ka dhex shaqeeya Kenya.

- Advertisement -

Garsooraha Sare ee Maxkamadda Mandera, Peter Areri waxa uu dhega kafuraystay Qirashadda Eedeysanayaasha, wuxuuna ku xukumay min 5.5 million oo Shillinka Kenya ama Xabsi min 10-sanno iyo in Somalia loo masaafurin doono marka ay Xukunka dhamaystaan.

Eedeysanayaasha ayaa la siiyey 14 maalmood oo ay Racfaan kaga qaadan karaan Xukunadda lagu kala xukumay.

Dhinaca kale, Maryam Bashiir Cabdi ayaa la filayaa in bishan Feberaayo 9-da la soo taago Maxkamadda Mandera, iyadoo lagu soo oogay inay sannadkii 2012-kii  ka dalbaday Maamulka Degmadda Isiyolo in loo sameeyo Waraaqaha Aqoonsiga Kenya.

Haweeneydaasi ayaa la sheegay inay bishii hore ee Janaayo 28-dii lagu qabtay Xuduudka Kenya iyo Somalia, balse waa la sii daayey, inkastoo  mar kale la qabtey xilli ay ku sii jeeday Nairobi.

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts