Booliska Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qarax Khasaare dhaliyay oo galabta ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Warta Nabadda.
Booliska oo soo saaray qoraal ayaa waxaa ay sheegeen in Kaalin shidaal oo ku taalla  Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada u uku qarxay qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray oo Boolisku ay eryanayeen.
Waxaana goobta uu ak dhacay Qaraxu ay wax ka yar 1 KM u jirtaa garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho, oo galabta ay ka dhacday cayaar aad u xiisa badnayd oo u dhexeysay Maamulka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.
“Maanta 24 Jan 2024 abaare 16:00 Galabnimo, ayaa Ciidanka Boliisku la kulmeen qof u muuqday inuu dhagarqabe yahay, wuxuu isku dayay inuu baxsado, Ciidanka oo cayrsanaya ayuu ku qarxay Kaalin shidaal oo ku yaalay Isgoyska Cali-kamiin ee Degmada Warta-nabada oo u jira ugu yaraan 1 KM garoonka Cayaaraha ee Stadium Muqdisho†ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in labo qof ay ku dhinteen qaraxaasi, waxaana gabi ahaanba burburay Kaalinkii shidaalka uu qofku isku qarxiyay.
Ciidanka Boliiska oo goobta u gurmaday, ayaa gargaar caafimaad u sameeyay dadkii waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaas.