Magaalada Laascanod ee Xarunta Gobolka Sool ayaa 15 sano kadib, waxaa xalay laguq abtay Mumasabadda Qiimaha badan ee  26 June, iyadoo xalay ay isu soo baxeen kumanaan shacab reer laascaanood ah, kuwaasi oo ku debbaal degaya Calanka Buluugga ah.
Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaaa kasoo qaby galay Munaasabadda, waxaana qayb ka ahaa qaar ka mid ah Isimada dhaqanka ee Gobolada SSC, kuwaasi oo shacabka la debaal degayay.
Magaalada Laascaanood waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay dagaal ay dad ku dhinteen, oo u dhexeeyay Ciidanka SSC iyo Millateriga Somaliland oo duqeymo culus ka fuliyay guidaha magaalada.
Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weerarkii labadii maalin ee lasoo dhaafa, halka 11 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaas. Kuwaasi oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo Cusbitaallada waa weyn ee ku yaalla Laascaano.