HomeWararAl-Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fulayay Gudaha Dalka Kenya

Al-Shabaab oo weerar dad lagu dilay ka fulayay Gudaha Dalka Kenya

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Shan qof ayaa la dilay Axadii kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ka tirsan degmada Lamu ee Koonfur Bari Kenya, sida ay booliisku sheegeen. Kooxda weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale gubay guryo iyo hanti kale oo ay burburiyeen. Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen “Weerar Argagixiso” oo ay ku soo […]

- Advertisement -

Shan qof ayaa la dilay Axadii kadib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen laba tuulo oo ka tirsan degmada Lamu ee Koonfur Bari Kenya, sida ay booliisku sheegeen.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa sidoo kale gubay guryo iyo hanti kale oo ay burburiyeen.

- Advertisement -

Booliisku waxay dhacdada ku tilmaameen “Weerar Argagixiso” oo ay ku soo qadday Al-shabaab.

Lamu, ayaa ku dhow xudduudka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, waxaana inta badan ay Al Shabaab weeraro ka geystaan degaankaasi, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu cadaadinayo Kenya inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, halkaasoo ay qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ah ee difaacaya dowladda dhexe.

Latest stories