HomeWararKenya oo shaacisay khasaaro ka dhashay Qarax ay Al-Shabaab la beegsatay Ciidankooda

Kenya oo shaacisay khasaaro ka dhashay Qarax ay Al-Shabaab la beegsatay Ciidankooda

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maalmo kahor saraakiil ka tirsan ciidankooda lagula beegsaday magaalada Garissa ee waqooyi Bari ee dalkaas Kenya. Qarax oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa Al-Shabaab waxa ay la eegatay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo Askar ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maalmo kahor saraakiil ka tirsan ciidankooda lagula beegsaday magaalada Garissa ee waqooyi Bari ee dalkaas Kenya.

Qarax oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa Al-Shabaab waxa ay la eegatay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Booliska Kenya, kuwaasi oo qaarkood dhintay, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

- Advertisement -

John Otieno ayaa sheegay inay qaraxa uga dhinteen sideed sarkaal oo Boolis ah, isagoona intaas hadalkiisa kusii daray in weerarkaan ay tuhusan yihiin inay ka danbeeyeen Al-Shabaab oo uu xusay inay beegsadaan gaadiidka ay saaran yihiin ciidankooda ammaanka.

“Waxaan tuhun sannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha,” ayuu yiri Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa marar badan waxa ay qaraxyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay la eegteen ciidamada Kenya, iyadoona dhawaan ay aheyd markii Shabaabka ay Askar badan oo Uganda ka tirsan ku laayeen magaalada Buulo-Mareer.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts