Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo Al-Shabaab ayaa saaka ka qarxay deegaanka Maxamed Xasan oo u dhaxeeya deegaanada Baar-dheere iyo Beerxaanno ee dhaca Koonfurta Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalka socda uu markii hore ka bilowday, ka gadaal markii ciidanka dowladda iyo kuwa Dib-u-xoreynta deegaanka weerar ku qaadeen fariisinka Shabaabka ay ku lahaayeen deegaanka Maxamed Xasan.
Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaan hubka cul culus, waxaana wararka ay intaas kusii darayaan in xaaladda deegaanka haatan ay tahay mid kacsan, isla markaana aan la ogeyn weli khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhexeeya ciidanka dowladda iyo Shabaab.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, Â Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Ow-bakar Dhagaweyne, Wasiirkii hore ee Gaadiidka badda Faarax Gacameey iyo saraakiil ciidan ayaa hoggaaminaya ciidanka weerarka qaaday.