HomeWararMagaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo Maanta siweyn looga Ciidayo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa maanta waxaa ka socda dabaaldegyo loo sameynayo maalinta 1-aad ee Munaasabada ciidul Fitriga, ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd. Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa maanta waxaa ka socda dabaaldegyo loo sameynayo maalinta 1-aad ee Munaasabada ciidul Fitriga, ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga, iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta boqolaal ruux salaada ciida kula tukaday masaajidka Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, isagoona shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay ciida.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu soo baxay kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan, ciid Mubaarak iyo kuwo kale oo fara badan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts