HomeWararMaxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Nin loo soo qabtay Bambo tuuris

Maxkamadda Ciidamada oo Maanta xukuntay Nin loo soo qabtay Bambo tuuris

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun xabsi ciidan ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo hore  isugu soo dhiibya ciidanka dowladda, balse dib ugu laabtay Al-Shabaab. Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ayaa ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose, isagoona […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta xukun xabsi ciidan ah ku riday Nin lagu eedeeyay inuu tuurista Bam-gacmeedka u qaabilsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasi oo hore  isugu soo dhiibya ciidanka dowladda, balse dib ugu laabtay Al-Shabaab.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Ayuub Cismaan Sheekh Aadan oo ah 24-jir ayaa ku dhashay degaanka Janaale gobolka Shabeellada Hoose, isagoona xilligii uu isku dhiibay ciidanka dowladda maray xarunta dhaqan celinta dowladda.

- Advertisement -

Ayuub ayaa ku soo bartay Bamba tuurista tuulada Siigaale oo u dhow degaanka Janaale, shaqadii ugu horeysay, wuxuu Bombo F1 ku tuuray ciidan roondo ku jiray oo ku sugan Janaale, wax khasaare ahna ma geysan, ciidankii uu weeraray ayaa soo qabtay ninkaan.

Maxkamadda ayaa ugu danbayn maanta Go’aan ka soo saartay Ayuub Cismaan Sheekh Aadan Isxaaq, waxayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts