Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa kulankaasi ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysay, waxaana Madaxweynaha uu baaq u jeediyay Bulshada Soomaaliyeed eek u nool Qaraadda Yurub.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gar ah kulanka uga sheegay in loo baahan yahay in Bulshada ku Nool waddamada Yurub ay si toos ah uga qayb qaataan Dowladnimada, ayna taageeraan dagaalka ka dhanka ah dagaalamaaysha AL-Shaabab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ujeedkiisa uu u tagay Talyaaniga uu ahaa mid ku aaddan iskaashiga guud ee labada dal. Isagoo tilmaamay in  ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka qotadadheer ee labada dowladood iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Talyaaniga.