HomeCaalamkaMareykanka oo ku eedeeyay Shiinaha inuu ku xadgudbay Madax-bannaanidooda

Mareykanka oo ku eedeeyay Shiinaha inuu ku xadgudbay Madax-bannaanidooda

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa baaritaankooda kusoo gabagabeeyey in buufintii looga shakisanaa howlaha basaasnimada Shiinaha oo dhawaan soo dulmartay Maraykanka ay qayb ka aheyd barnaamij ballaaran oo basaasnimo ay oo wadaan ciidamada Shiinaha. Xiriirka ka dhexeeya buufintan iyo ciiidamada Shiinaha ayaa markii ugu horaysay Talaadadii waxaa qoray wargeyska Washington Post, kadibna waxaa xaqiijiyay shabakada wararka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hay’adaha sirdoonka Maraykanka ayaa baaritaankooda kusoo gabagabeeyey in buufintii looga shakisanaa howlaha basaasnimada Shiinaha oo dhawaan soo dulmartay Maraykanka ay qayb ka aheyd barnaamij ballaaran oo basaasnimo ay oo wadaan ciidamada Shiinaha.

Xiriirka ka dhexeeya buufintan iyo ciiidamada Shiinaha ayaa markii ugu horaysay Talaadadii waxaa qoray wargeyska Washington Post, kadibna waxaa xaqiijiyay shabakada wararka ee CNN ee fadhigeedu yahay Maraykanka. Buufintan ayaa qayb ka ah diyaarado aan cidina wadin oo kasoo duula gobolka Hainan ee xeebta koonfureed ee Shiinaha.

- Advertisement -

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil badan oo Maraykan ah oo aan la magacaabin ayaa sheegay in barnaamijka Shiinuhu uu basaasnimo kusoo sameeyay dalalka iyo gobollo ay danaynayaan istaraatiijiyad ahaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin Japan, India, Vietnam, Taiwan iyo Philippines.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in buufintaas ay ahayd mid sahan ah, waxaana ay duullimaadkaas ku tilmaameen “xad-gudub ka dhan aha madax-bannaanida Mareykanka oo aan la aqbali karin” oo uu Shiinuhu ku sameeyay.

Beijing ayaa ku adkaysatay in buufintan ay aheyd duulimaad cilmi-baaris rayid ah oo si khalad ah ugu ambatay hawada Maraykanka.

- Advertisement -

Diyaarad dagaal oo uu leeyahay Mareykanka ayaa Sabtidii soo ridday buufintan, xilli ay dul heehaabeysay badweynta Atlaantigga ee xeebta South Carolina.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts