Somaliland ayaa Warsaxaafadeed kasoo saartay dagaalka ka socda Magaaalada Laascaanood ee u dhexeeya Ciidanka dadka degaanka iyo Millateriga Somaliland.
Waxaana Somaliland Odayaasha Dhaqanka ee ku sugan Laascaanood ay ku timaantay kuwo Nabad diid ah.
“saaka subixii hore ayaa waxaa weerar ku soo qaaday fadhiisimada ciidamada Qaranka iyo Xarunta ay degan yihiin Golaha Wasiirada Somaliland ee Magaalada Laascaanood, kooxo hubaysan, kuwaasoo ay soo abaabuleen Garaadada Nabad diidka ah ee ku sugan Magaalada” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Somaliland ayaa intaa ku dartay in Ciidankeedu ay iska difaaceen weerar sida ay sheegeen ahaa mid Argagixiso, kaasi oo ay iska Caabiyeen Ciidanka Somaliland, waxaana sida ay sheegeen kaga dhaawacmay labo Askari.
“Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iska difaacay weerarka argagixo waxayna ku dhufteen dhirbaaxo kulul, wixii khasaare dib ayay Xukuumadda ka sheegaysaa, inkastoo inta la ogyahay ay weerarkan ku dhaawacmeen laba askari” ayaa lagu yiiri War-saxaafadeedka kasoo Baxay Somaliland.