Dowladda Soomaaliay ayaa shaacisay inay muddo labo maalmood ah ay xirayso isku socadka guud ee Caasimadda,waxaana la xirayaa Hawada iyo waddooyinka Caasimadda, sida lagu sheegay War-saaxafadeed kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa maanta martigelineysa shir ay magaalada Muqdisho ku yeelanayaan Wasiiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska, loona yaqaano Dalalka Safka Hore. Waddamada Soomaaliya ku wehliya kulanka maanta ayaa kala ah Kenya, Djibouti iyo Ethiopia.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay cudur daar ka bixisay saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Dowladda ayaa sheegtay in baahi ay keentay in labada maalmood ee maanta iyo beri la xadido dhaqdhaqaaqyada iyo weliba duulimaadyadii Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho,, isla markaana ay shacabka la dareemayso culeyska ay tallaabooyinkani leeyihiin.
Shirkan ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan madaxda Dalalka Safka Hore ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa xili Dowladdu ay u jihaysatay sidii dalka dib nabad buuxda loogu soo celin lahaa.