Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka Goleyaasha maamulka  iyo Shacabka Hirshabeelle ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo qaraabada ay ka baxeen Allaha u naxariistee dadkii ku dhintay weerarkii AL-Shabaab ay ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa markale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in si wadajir ah ay uga qeybgalaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa Alle uga baryay dhamaan dadkii ku shahiiday qaraxii saaka ee degmada Maxaas in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, Inta dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan yahay Maxaas,kadib weerar ay AL-Shabaab ku qaadeen degmadaasi.
Guryaha lagu weeraray Qaraxyada ayaa waxaa ka mid ah guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa xildhibaanada Golha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.