HomeWararWararkii ugu dambeeyay khasaare ka dhashay Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay...

Wararkii ugu dambeeyay khasaare ka dhashay Qaraxyo Ismiidaamin ah oo ka dhacay Maxaas

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in labo qarax oo ismiidaamin ah lagu weeraray  guryo ku yaalla degmada Maxaas, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weeraradaasi. Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ku warramaya in labo qarax oo ismiidaamin ah lagu weeraray  guryo ku yaalla degmada Maxaas, waxaana kasoo baxaya faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan weeraradaasi.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay tiro intaas ka bandanna waa ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan yahay Maxaas.

- Advertisement -

Qaraxyada labada oo labo Gaari loo adeegsaday ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo ay saraakiisha iyo masuuliyiinta ciidanka ku sugnaayeen, waxaana jira khasaare xooggan oo soo gaaray Ciidanka.

Guryaha lagu weeraray Qaraxyada ayaa waxaa ka mid ah guriga uu Maxaas ka degan yahay xildhinaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ahaa xildhibaanada Golha Shacabka, waloow annu xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan, halka kan kalena uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Muumin Maxamed Xalane ayaa VOA u sheegay weeraradan ay ahaayeen kuwa ‘aragagixiso’, isaga oo intaas ku daray in hay’adaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.

- Advertisement -

Ilaa hadda cidi ma sheegan mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee inta badan weearrada noocan ah ee ka dhacay Soomaaliya waxaa sheegta ururka Al-Shabaab.

Maxaas ayaa ka mid aheyd degmooyinkii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay bilhii lasoo dhaafay ka saaren maleeshiyada Al-shabaab, iyadoo 19-kii Novermber uu sidoo kale booqasho ku tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ballanqaaday in Maxaas ay noqon doonto meelaha ugu horeya ee mashaaricda hormarinta laga hirgaliyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts