HomeWararFaah faahin: Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsatay Askar ka tirsan...

Faah faahin: Al-shabaab oo Qarax khasaaro dhaliyey la beegsatay Askar ka tirsan Kenya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee waqooyiga Bari Kenya lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ay Al-shabaab la beegsatay gaari nooca Booliska oo ay saarnaayeen Ciidamo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax sababay khasaaro oo saacadihii lasoo dhaafay deegaan u dhow magaalada Gaarisa ee waqooyiga Bari Kenya lagula beegsaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Kenya.

Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ay Al-shabaab la beegsatay gaari nooca Booliska oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya oo ilaalo ka haayay shaqaale dhismo ka waday waddada tareenada ee magaalada Gaarisa.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay laba Askari iyo hal qof oo dumar ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa mid xooggan oo jugtiisa la maqlay, waxaana durbadii goobta ku gubtay gaariga la qarxiyey, iyadoona degaanka uu qaraxu ka dhacay ay isaga tageen  shaqaalihii dhisayay waddada.

Mas’uul ka tirsan dowladda Kenya oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in Al-shabaab ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, isla markaana sida uu sheegay inay Shabaabka cunaqabateyn saareen degmooyin ka tirsan Gobolka.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa mas’uulka hadlay in laamaha ammaanka ee Booliska ay ku wargeliyeen dhibaatooyin dhacay, isagoona xusay inay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amniga, Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo ku dishay Saraakiil iyo Askar Kenyaan ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts