Maxkamdada Ciidamada Puntland ee Puntland u qaabilsan Gobolada Sool iyo Nugaal ayaa Xukun ku ridday Eedaysanayaal loo soo xiray inay ka ganacsiga Maandooriyaha,kuwaasi oo horay ay Ciidanku ammaanku gcanta kusoo dhigeen.
Maxkamadda oo maanta xukun rasmi ah ka soo saartay kiiska askar ku eedaysan ka ganacsiga Khamriga ayaa ku ridday xukunno kala duwan.
Shakhsiyaadka eedeysanayaasha ah ayaa waxaa ka mid ahaa rag ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntland oo baxsad ku maqan kadib markii gaariga laga qabtay, waxaana Maxkamaddu ay sheegtay inay ka ganacsanayeen maandooriyaha Khamriga.
Waxaana sidoo kale Maxkamadda la hor-keenay gaari NOAH ah oo ay ku raran yihiin 54 dhalo oo khamri ah, taasi oo Ciidamada amamanka ay soo qabteen, xili la doonayay in la siaga kala gudbiyo degaaanada Maaamulka Puntland.
Maxkamadda ciidamada ayaa min shan sano oo xabsi ah iyo $2000 kun oo ganaax ah ku xukuntay dhammaan eedaysanayaasha maqan waxaana ay sheegtay in xukunkoodu ka bilaaban doono maalinta la qabto.
Sidoo kale Gaariga Khamriga lagu soo qabtay waxaa ay maxkamaddu u xukuntay DowLad Goboleedka Puntland, waxaana la wareegaya maamulka, halka dhalooyinka khamrigana la burburiyay.
Degaaanda Dowlad Goboleedka Puntland inta badan waxaa lagu soo qabtaa ganacsato iyo mas’uuliyiin ku lug leh ka ganacsiga maandooriyaha, iyadoo Ciidanka ammaanka Howgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ay kusoo qabteen khamri aad u farabadan oo la doonayay in degaanada maamulkaasi la isaga kala gudbiyo.