Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saqdii dhexe ee xalay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareykanka ay deegaankaas ka gesyteen duqeymo.
Dad ku sugan meel ku dhow degaanka masaajid Cali Guduud ayaa waxaa ay ku warrameen in diyaaraddo joog hoose ku socday ay duqeymo ka geysteen deegaanka oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-shabaab oo saldhig ku leh.
Jugta Gantaalo dhacaayey ayaa xalay laga maqlayey degaanka Cali Guduud oo shalay ay ka dhaceen dagaalo xooggan oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidanka deegaanka ee macwiisleyda oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.
Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta dhacday, sidoo kale Ciidanka dowladda Federaalka ayaa ku sugan bannaanka masaajid Cali Guduud, iyagoona dib uga soo baxay deegaanka oo gelinkii dambe ee shalay mar u dhawaadeen Ciidamada.
Khasaaro badan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhashay dagaaladii shalay dhacay, in kastoo aan rasmi ah loo xaqiijin inta uu la egyahay khasaaraha jira, Ciidanka dowladda oo ay hoggaaminayaan Saraakiil Ciidan iyo Xildhibaano ayaa jooga banaanka deegaanka.
Wararkii ugu danbeeyay ee haatan laga helayo deegaano hoostega degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo wadaan Ciidamo halkaas ku sugan, ayna ku doonayaan inay kula wareegaan deegaanka masaajid Cali Guduud oo saldhig weyn ay ku leeyihiin dagaalamayaasha Al-shabaab…