HomeWararMareykanka oo war kasoo saarey doorashada Ruto

Mareykanka oo war kasoo saarey doorashada Ruto

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Safaaradda Mareykanka ee Kenya, ayaa ku ammaantay dadka Keenyaanka ah sida nabadda ah ee ay u codeeyeen, waxayna ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan sidii si xasilooni leh looggu dhameyn lahaa wixii tabasho ah ee haray. Waxay intaa kudartay safaaradda ku dhawaaqista William Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya inay tahay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Safaaradda Mareykanka ee Kenya, ayaa ku ammaantay dadka Keenyaanka ah sida nabadda ah ee ay u codeeyeen, waxayna ku boorisay dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan sidii si xasilooni leh looggu dhameyn lahaa wixii tabasho ah ee haray.

Waxay intaa kudartay safaaradda ku dhawaaqista William Ruto inuu yahay madaxweynaha la doortay ee Kenya inay tahay “mid muhiim u leh hannaanka doorashada”.

- Advertisement -

“Innagoo horay u talab sanayna, waxaan ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada inay ka wada shaqeeyaan sidii si nabad ah loogu xallin lahaa wixii tabasho ah ee ka haray doorashadan, iyadoo loo marayo hanaan wanaagsan oo lagu xalinayo khilaafaadka jira,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Safaaradda ayaa ka codsatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay sii wadaan ku boorinta taageerayaashooda inay ilaaliyaan xasiloonida iyo nabadda, ayna ka fogaadaan rabshadaha inta lagu guda jiro hannaanka doorashada.

Ruto ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada, isagoo helay 50.49% codadkii la dhiibtay, wuxuu si dirqi ah kaga guuleystay ra’iisal wasaarihii hore ee Raila Odinga.

- Advertisement -

Wakiilada ra’yi ururinta ee Odinga, ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in aanay xaqiijin karin natiijada.

Afar kamid ah todobada xubnood ee guddiga doorashada qaranka Kenya, ayaa ku dhawaaqay in aanay cadeyn karin “inay sax tahay natiijada doorashada”.

Ruto ayaa balan qaaday inuu u shaqayn doono dhamaan shacabka Keenyaanka ah, isagoo sheegay in natiijadu ay tahay tii ugu hufneyd ee kasoo baxda doorasho lagu qabtay dalka Kenya.

Dabaal dagyo ayaa ka dhacay goobaha ay ku xoog badan yihiin taageerayaasha Ruto, halka qaar kamid ah goobaha ay ku tiro badan yihiin taageerayaasha Odinga laga soo sheegayo mudaaharaadyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts