HomeWararTaliye Odawaa oo Maanta kulan la yeeshay Taliye ku-xigeenka Ciidanka gaarka ee...

Taliye Odawaa oo Maanta kulan la yeeshay Taliye ku-xigeenka Ciidanka gaarka ee DDS

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Maanta degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool kulan kula qaatay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga gaarka ah ee dowlad deegaanka Soomaalida Sarreeye gaas Sakariye Cabdi Khaliif.

Kulanka ayaa waxaa uu ku saabsanaa adkaynta amniga iyo sidii si midaysan looga wada hortagi lahaa Al-shabaabka arbacadii lasoo dhaafay soo weerartey deegaano ka tirsan Bakool gaar ahaan deegaano ku yaalla xuduudka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale inta uu socday kulanka Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga iyo kuwa DDS ayaa la isku soo hadal qaaday sii xoojinta wada shaqaynta amniga iyo la-dagaallanka Al-shabaab sidii wada jir xuduudda looga saari lahaa.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga gaarka ah Sarreeye gaas Sakariye Cabdi Khaliif ayaa hoggaaminayey howlgalka maalmihii lasoo dhaafay ka socday deegaano ka tirsan DDS oo Ciidanka Liyuu Boolis kula dagaalamayeen Al-shabaabka u gudbay halkaas.

Khasaaro farabadan ayaa ka dhashay dagaaladii dhexmarayey Shabaabka iyo Liyuu Booliska, waxaana labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen dagaaladii dhacay, iyadoo dowlad deegaanka Soomaalida xustay in lasoo afjaray howlgalkii socday

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories