HomeWararMaxkamaddeynta Askari dilay Taliye ku-xigeen Nabadsugid iyo Walaashiis oo bilaabatay

Maxkamaddeynta Askari dilay Taliye ku-xigeen Nabadsugid iyo Walaashiis oo bilaabatay

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ka bilowday Maxkamaddeynta Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo dhawaan halkaas ku dilay Taliye ku-xigeenkii Nabadsugida Galmudug iyo Walaashiis.

Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Axmed Dhagadheere ayaa Maxkamadda kahor qirtay inuu si bareer ah rasaas ugu furay Taliye ku-xigeenkii Ciidanka Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle, sidoo kalena rasaastaas ay kusii dhacday Marxuumka Walaashiis oo lagu magacaabi jiray Xaawo Cumar Geelle, taasina oo iyaduna dhimatay.

Fadhiga Maxkamaddeynta Askariga ka tirsan Ciidanka dowladda ee dilka geystay Axmed Dhagadheere ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah dad arkayey, xilligii uu dilka geysanayey, iyagoona Maxkamadda kahor caddeeyay in Axmed uu falka fuliyey.

Sidoo kale fadhiga Maxkamadda ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Waayeel, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan iyo dadweyne farabadan, kuwaasi oo dhageysanayey kiiska dacwada.

Xeer ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada ayaa dalbaday in xukun dil toogasho lagu rido Axmed Dhagadheere, maadaama uu si bareer ah u dilay Taliye ku-xigeenkii Nabadsugida Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis, xilli ay ku sugnaayeen Caabduwaaq.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories