Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Gudoomiyaha Gobolka Mudug.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug looga magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade), kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Gobolkaas Cabdiladiif Sanyare.
Wareegtada magacaabista uu soo saaray Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidaan:
Madaxweynaha Maamulka Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1- Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamuud (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
2- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug loo magacaabay ayaa waxaa kal hore xilkaas ugu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, balse Madaxweyne Saciid Deni ayaa ka horyimid magacaabistaas, balse Maanta ayuu dib u magacaabay Faysal Sheekh Cali Maxamuud inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka.
Si kastaba Guddoomiyihii hore ee Gobolka Mudug ee Mamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare ayaa noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.