HomeWararCiidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan Al-shabaab ugala wareegay degaano

Ciidanka Dowladda oo howlgal qorsheysan Al-shabaab ugala wareegay degaano

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad ayaa saaka dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa degmooyinka Matabaan iyo Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo laga fuliyay howlgalo qorsheysan. Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 27-aad oo hoggaaminayey howlgalka laga fuliyay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Al-shabaab laga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad ayaa saaka dagaalamayaasha Al-shabaab kala wareegay deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa degmooyinka Matabaan iyo Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo laga fuliyay howlgalo qorsheysan.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka qeybta 27-aad oo hoggaaminayey howlgalka laga fuliyay oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Al-shabaab laga qabsaday deegaan ay kaga sugnaayeen inta u dhexeeysa Matabaan iyo Baladweyne, oo ay farriisimo ku lahaayeen.

- Advertisement -

Sidoo kale howlgalka ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle Cali Jeyte Cismaan iyo Ciidamo ka tirsan Hirshabeelle oo howlgalka ku wehlinaayay Ciidanka Xoogga dalka.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan Hiiraan ka socday howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab oo ay wadeen Ciidanka dowladda, waxaana xusid mudan in Ciidamada ay iska caabin kala kulmayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Si kastaba ha’ahaatee Al-shabaab ayaa sanno badan heysta deegaano kamid ah Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle, iyagoona go’doomiyey degmada Buulo-burte, sidoo kalena jiray waddooyin xiriiraya deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolkaas.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts