HomeWararFarmaajo oo Xasan Sheikh kusoo dhaweeyay Madaxtooyada Qaranka

Farmaajo oo Xasan Sheikh kusoo dhaweeyay Madaxtooyada Qaranka

Date:

Related stories

Dagaalka Romero: Real Madrid, Atletico iyo Man Utd oo isku eryanaya kabtanka Tottenham

Cristian Romero ayaa laga yaabaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Tottenham ka dib dhaawac jilibka ah iyo kooxda oo u laabanaysa Championship-ka.

Ruto Lands 8 Major Deals in Rome as Kenya, Italy Sign New Action Plan

President William Ruto's state visit to Italy has yielded eight new agreements, cementing a three-year action plan with Rome. The wide-ranging deal covers everything from military cooperation and AI to restoring the Cherangany Forest and upskilling Kenya's youth.

Nairobi: Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka UN-Habitat ee horumarinta magaalooyinka

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru Dowle Saciid Xayd ayaa Nairobi kaga qayb galay kalfadhiga UN-Habitat.

Soomaaliya iyo Isku-tashiga: Xarunta Tamarta iyo Biyaha oo loo dhisay qaab casri ah

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xarigga ka jaray xarun casri ah oo ay yeelanayso Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha.

Sidee Turkigu u Qodayaa Ceelka Curad-1 ee Badda Soomaaliya? Sirta Qalabka Waaweyn!

Mashruuca Curad-1 waa wejigii koowaad ee Soomaaliya ay ku noqonayso waddan shidaal soo saara.

Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan booqasho iyo salaan ah waxa uu Madaxtooyada Qaranka kula qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo 15-kii May loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa Labada Madaxweyne waxa ay iskaga xog waraysteen xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo dardar gelinta dadaalladii horumarineed ee dalka ka socday 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale ugu hambalyeeyey walaalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS, isaga oo Alle uga baryey in uu fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka codsaday inay si buuxda ula shaqeeyaan dowladda cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabay Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Maxamed Cabdullaahi Ciise, isaga oo faray in ay si degdeg ah u diyaariyaan munaasabadda xil-wareejinta.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories