HomeWararCiidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo weerar ku qaaday degaan ka tirsan...

Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB oo weerar ku qaaday degaan ka tirsan J/Hoose

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwa Xoogga dalka ee DANAB oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan kuwo dhanka Koonfur uga beegsan Magaalada Kismaayo. Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen saqdii dhexe […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka daraawiishta Maamulka Jubbaland, kuwa Xoogga dalka ee DANAB oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan kuwo dhanka Koonfur uga beegsan Magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka Jubbaland iyo kuwa DANAB ay weerar ku qaadeen saqdii dhexe ee xalay fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka Xaliima Cadeey oo ku dhow Buuĺa Xaaji ee Koonfur Galbeed Kismaayo.

- Advertisement -

Inta uu socday dagaalka ayaa labada dhinac waxaa ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa dagaalkii dhacay ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, in kastoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha jira inta uu la egyahay.

Saraakiisha Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland ee hoggaaminayey howlgalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalkaasi xalay ka dhacay deegaanka Xaliima Cadeey, iyagoona intaas kusii daray inay dib ka faah faahin ka bixin doonaan dagaalkaas dhacay.

Si kastaba Ciidamada Jubbaland iyo kuwa DANAB ayaa marar kala duwan waxaa ay howlgalo ka dhan ahaa Al-shabaab ay ka fuliyeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts