HomeWararMadaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweyne Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo geedi socodka uu dalku ku jiro, sidii si wadajir ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa uu xalay kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo geedi socodka uu dalku ku jiro, sidii si wadajir ah looga wada shaqayn lahaa inuu noqdo Mid ka dhabeeya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi la wadaagay dhambaal hambalyo ah, isagoona ugu hambalyeeyay in mar kale loo doortay xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Sidoo kale Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana labada dhinac ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen hannaanka lagu dhammeystirayo geedi socodka doorashooyinka dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa dhawaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa uu wadaan kulamo kala duwan oo uu la qaadanayo Musharaxiinta iyo mas’uuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts