HomeWararWasiir uu xilka qaadis ku sameeyay Axmed Karaash oo tababar u soo...

Wasiir uu xilka qaadis ku sameeyay Axmed Karaash oo tababar u soo xirayo Ciidamo cusub

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhawaan xilka qaadis ku sameeyay saddex kamid ah Wasiirada Maamulkaas, isagoo kuwo cusub magacaabay, balse weli Wasiirada cusub ee la magacaabay ayaan xilka la wareegin. Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah Wasiirada uu xilkii ka qaaday Axmed Karaash ayaa weli shaqadiisa sii wata, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhawaan xilka qaadis ku sameeyay saddex kamid ah Wasiirada Maamulkaas, isagoo kuwo cusub magacaabay, balse weli Wasiirada cusub ee la magacaabay ayaan xilka la wareegin.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah Wasiirada uu xilkii ka qaaday Axmed Karaash ayaa weli shaqadiisa sii wata, wuxuuna shalay wafdi uu hoggaaminayey ay gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

- Advertisement -

Ujeedka safarka Wasiir Xasan Shire Abgaal ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira tababar loo soo xirayo cutubyo ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland oo muddo tababar uga socday Ddugsiga tababarka Gen. Careys ee Magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Abgaal ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay Taliyaha Ciidamadda Difaac Puntland Gen. Yaasin Cumar Dheer, waxaana Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka, kan degmada iyo Taliyaasha Ciidan.

Wasiir Xasan Shire ayaa kamid ah Wasiirada Puntland ee aad ugu dhow Madaxweynaha Maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo xilka qaadis uu ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts