HomeCaalamkaIn ka badan 200 oo qof oo ku dhintay Galbeedka Gobolka Darfur ee...

In ka badan 200 oo qof oo ku dhintay Galbeedka Gobolka Darfur ee dalka Sudan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya. Qalalaasahan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

In ka badan 200 oo qof ayaa ku dhintay isku dhacyada u dhexeeya dadka reer guuraaga Carabta ah iyo beeralayda deegaanka ee gobolka Galbeedka Darfur ee dalka Sudan, waxaana xiisaddan oo soo bilaabantay maalinimadii Jimcaha ee toddobaadkan ay haatan ku fidday illaa caasimadda gobolkaas ee Al Geneina. Qaramada Midoobay ayaa cambaaraysay rabshadahan sii kordhaya.

Qalalaasahan billowday maalintii Jimcaha ayaa wuxuu daba socday, ka dib markii bishii April 21-keedii la helay, meydka laba qof oo reer guuraa ah, taas oo laga helay meel u dhow tuulada Hashaba, oo ka baxsan magaalada Kreinik.

- Advertisement -

Madaxa waaxda bini’aadanimada ee Galbeedka Darfur Assadiq Mohammed, ayaa sheegay in illaa 201 qof oo meyd ah laga helay waddooyinka iyo goobaha kale ee dadku isugu yimaadaan.

“Dad badan ayaa lagu dhex dilay guryahooda, xaaladdu ma aha mid ku habboon si rasmi ah loo sugo tirada dhimashada. Dhab ahaantii, tiradu way sii kordhi kartaa,” ayuu yidhi Assadiq Maxamed oo u waramay Idaacadda VOA laanteeda la hadasha Koonfur Sudan.

Warbixin ay soo saartay hay’adda socdaalka dunida ee IOM ayaa ku qiyaastay in 7,500 illaa 12,500 oo qoys oo ku nool hareeraha Kreink inay gabbaad ka raadsadeen xero ciidan oo maxalli ah si ay uga baxsadaan rabshadahan cusub.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts