HomeWararQ/Midoobay oo Dowladda Somalia ka dalbatay inay Deg-deg u joojiso xukunada dilka...

Q/Midoobay oo Dowladda Somalia ka dalbatay inay Deg-deg u joojiso xukunada dilka ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah. Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah.

Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.”

“Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

“In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayey tiri.

- Advertisement -

Isha Dyfan ayaa sidoo kale ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay horumariso dedaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

Waxay sidoo kale dhaliishay heerka ilaalinta xoriyadda hadalka ee Soomaaliya iyo xarigga ka dhanka ah ah suxufiyiinta.

“Xuquuqda xoriyatul qawlka iyo ra’yigu waxay lama huraan u tahay dimoqraadiyad kasta oo shaqaynaysa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xarigga saxafiyiinta ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dalka oo dhan,” ayey tiri.

Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha beesha caalamka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa marxaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya.

VOA Somalia

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts