HomeWararFarmaajo oo Baaq kasoo saaray Dabkii khasaaraha badan dhaliyey ee ka kacay...

Farmaajo oo Baaq kasoo saaray Dabkii khasaaraha badan dhaliyey ee ka kacay Suuqa Hargeysa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay inuu ka murugaysan yahay khasaaraha dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas. Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sheegay inuu ka murugaysan yahay khasaaraha dabkii ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargaysa ayaa Alle uga baryey in uu u booga dhayo dadkii ku waxyeeloobay dabkaas.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay u gurmadaan walaalahooda hantidooda ku waayey masiibadan, isaga oo xusay xaaladda abaareed ee uu dalka ku jiro iyo duruufaha dhaqaalaha ee dunidu ay la tacaalayso.

- Advertisement -

“Waxaan murugada la qeybsanayaa walaalaha ganacsatada ah ee dabka ka kacay suuqa Hargaysa uu galaaftay hantidooda, waxaan fadliga bisha Ramadaan awgeed Alle uga baryayaa in uu ka siiyo beddel ka khayr badan hantida halkaas kaga gubatay” ayuu yiri Farmaajo

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay maalmahan barakaysan awgood ugu hiiliyaan walaalahooda dhibtu soo gaartay, lana garab istaagaan duco iyo taakuleyn inta ay karaan.

Dab khasaaro farabadan dhaliyey ayaa xalay ilaa iyo saaka ka ololaya Suuqa ugu weyn Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, kaasi oo baabi’iyey goobo Ganacsi oo ku yaallay Suuqaas, waxaana ku baaba’ay in ka badan 25 goobo Ganacsi.

- Advertisement -

Gaadiidka dab demiska Somaliland iyo Gaadiid kale oo gurmad ahaan dowlad deegaanka Soomaalida ugu soo dirtay Somaliland ayaa ku howlan deminta dabkaas oo saacado badan qaatay demintiisa, waxaana socda gurmadyo kala duwan oo la sameeynayo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts