HomeWararSawirro: Shiinaha oo Maanta Gaadiid iyo Agabyo kale ku wareejiyay Dowladda Somalia

Sawirro: Shiinaha oo Maanta Gaadiid iyo Agabyo kale ku wareejiyay Dowladda Somalia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao kala wareegay gaadiidka iyo agab kale oo Milateri.

- Advertisement -

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ayaa dowladda Shiinaha mahad celiyey gaadiidka Ciidanka ee ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka.

“Dowladda shiinaha waxaa naga dhaxeeya xiriir qoto-dheer, waana kaga mahadcelineynaa garab istaaga ay u sameeyeen ciidanka xoogga” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay Munaasabada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna munaasabada ka sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyey uu ku soo aaday xili si weyn loogu baahnaa.

- Advertisement -

“Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka, waxaa uu qeyb weyn ka qaadanaya la dagaalanka Al shabaab” ayuu yiri Taliye Odawaa oo tilmaamay in gaadiidkaan lagu wareejiyay uu kusoo aaday, xili loo baahnaa.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidanka qalabka Sida oo uu ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadka loo xilsaaray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts