HomeWararMaamulka G/Banaadir oo shaaciyay in aysan ku shaqeyneyn Amarka Wasaardda Amniga

Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in aysan ku shaqeyneyn Amarka Wasaardda Amniga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa ka hadlay Wadahadalo socday muddo 3 maalmood ah oo Maamulka Gobolka la yeeshay Odayaasha dhaqanka Muqdisho. Guddoomiye Cali Yare oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Muqdisho kala hadleen Go’aankii Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in Magaalada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa ka hadlay Wadahadalo socday muddo 3 maalmood ah oo Maamulka Gobolka la yeeshay Odayaasha dhaqanka Muqdisho.

Guddoomiye Cali Yare oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Odayaasha dhaqanka Muqdisho kala hadleen Go’aankii Maamulka Gobolka Banaadir u diiday in Magaalada uu ka dhacdo banaanbaxii la filayey khamiista ee dib loo dhigay.

- Advertisement -

Cali Yare ayaa xusay in Odayaasha dhaqanka ay u sheegeen in sababta loo diiday banaanbaxa ay tahay arrimo la xiriira amniga iyo in xiligaan aysan jirin baahi keeni karta in la qabto banaanbax, maadaama heshiis laga gaaray doorashada dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka ayaa tilmaamay inuu jiro culeys dhinaca amniga ah oo aysan doodeynin in la isku keeno dadweyne, isagoona sheegay in ammaanka shacabka Gobolka ay mas’uul ka yihiin,  isla markaana uu amniga kala qiimo badan yahay in lagu saleeyo doorasho muddo kooban soconeysa.

Cali Yare ayaa Carabka ku dhuftay inay taageersan yihiin Odayaasha dhaqanka Muqdisho, ayna ku boggaadinayaan dadaalada ay wadaan, kuna joojiyeen banaanbixii dhici lahaa, wuxuuna ka dalbaday Odayaasha in Guddiga abaabulka banaanbaxa u sheegaan sababta Maamulka Gobolka u diiday banaanbaxa ay tahay Arrimo amni.

- Advertisement -

Ugu dambeyn Cali Yare ayaa sheegay in amniga uu mas’uul ka yahay Maamulka Gobolka Banaadir, ayna u Madax banaan yihiin, isla markaana aysan jirin cid kale oo lagala hadli karo arrintaas, sidoo kalena Amarada Wasaaradda amniga xilgaarsiinta aysan ka shaqeyn karin Gobolka, si lamid ah maamul Goboleedyada kale oo aysan ka socon.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts