HomeCaalamkaTurkiga oo xirxiray xubno lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin koox hubeysan

Turkiga oo xirxiray xubno lagu tuhmay inay xiriir la leeyihiin koox hubeysan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan sagaal qof oo ajnabi ah kuwaas oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah. Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabteen tuhmanayaashan oo la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Booliska dalka Turkiga ayaa xabsiga dhigay ugu yaraan sagaal qof oo ajnabi ah kuwaas oo lala xiriirinayo inay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish  sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Ciidamada la dagaalanka argagixisada ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabteen tuhmanayaashan oo la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxaha qorshaynaya weeraro, ayay yiraahdeen ilo-wareedyadu, kuwaas oo codsaday in aan la magacaabin sababo la xiriira xannibaadda la saaray la hadalka warbaahinta.

- Advertisement -

Booliisku waxay weerarro isku mar ah ku qaadeen 13 goobood oo ku yaalla shan degmo oo ka tirsan Istanbul. Tiro badan oo qalab dijital ah iyo dukumentiyo urureed ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hawlgallada.

Saddex ka mid ah tuhmanayaasha ayaa weli ku jira gacanta booliska, lix ka mid ah ayaa lagu sii daayay amarka xeer ilaalinta.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalo noocaan oo kale ah sameeyay ka hor maalinta sanadka cusub, iyadoo kooxaha argagaxisada ah ay horey u beegsadeen dadka u dabaaldegaya ciida,Ugu yaraan 39 qof oo uu ku jiro sarkaal Booliis ah ayaa ku dhintay kadib markii argagixisada Daacish Masharipov oo ku hubaysnaa AK-47 ay rasaas ku fureen dad ku damaashaadayay habeenkii sanadka cusub ee Reina caweyska oo ku yaala degmada Ortaköy ee magaalada Istanbul  Jan. 2017.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts