HomeCaalamkaMaxay tahay sababta uu Ruushka dib ugu soo celiyay Ciidankii ka joogay...

Maxay tahay sababta uu Ruushka dib ugu soo celiyay Ciidankii ka joogay Ukraine?

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wakaaladda wararka Reueters oo soo xiganeysa wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay in ciidamo ka badan 10,000 oo Ruush ah ay dib ugu laabteen saldhigyadooda joogtada ah, kaddib marki ay muddo bil ah aag uga jireen meel u dhaw xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine. Interfax waxay sheegtay in ciidankaasi ay qeyb ka ahaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wakaaladda wararka Reueters oo soo xiganeysa wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax ayaa sheegtay in ciidamo ka badan 10,000 oo Ruush ah ay dib ugu laabteen saldhigyadooda joogtada ah, kaddib marki ay muddo bil ah aag uga jireen meel u dhaw xadka uu Ruushka la wadaago Ukraine.

Interfax waxay sheegtay in ciidankaasi ay qeyb ka ahaayeen dhoola-tus millatari oo ay ciidamada qalabka sida ee Ruushka ka sameeyeen dhowr gobol oo u dhaw Ukraine, oo uu ku jiro Crimea oo uu Ruushku xoog uga qabsaday Ukraine sannadki 2014, sidoo kale carbiska ayaa ka dhacay gobollada Rostov iyo Kuban.

- Advertisement -

Ciidamada ay Ruushka ku daadisay kasoo billow waqooyiga, bariga ilaa koofurta xadka Ukraine ayaa dhaliyay qeylo dhaan xoog leh oo kasoo yeertay Dowladda Ukraine iyo dalalka saaxibadda la ah ee reer Galbeedka, kuwaas oo ka walaacay suurtagalnimada weerar uu Ruushka ku qaado Ukraine.

Ruushka ayaa beeniyay inuu duullaan ku yahay Ukraine, balse dalbaday in NATO ay ka harto damaceeda ah in ay isku ballaariso dalalka u dhaw Ruushka oo ay Ukraine ka mid tahay.

Ruushka wali waxaa ka jooga xadka Ukraine, tobnaan kun oo ka mid ah millatarigiisa.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts