HomeWararRW Rooble oo Amray in si Deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Dadkii...

RW Rooble oo Amray in si Deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Dadkii dilay Dhallinyarada

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dilal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen saddex ruux oo dhalinyaro ahaa oo ay ku jiraan laba walaalo ah. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa marka hore tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Sakariye […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay dilal Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay Magaalada Muqdisho ugu geysteen saddex ruux oo dhalinyaro ahaa oo ay ku jiraan laba walaalo ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa marka hore tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen oo walaalo ahaa iyo Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ay dileen Ciidamo kamid ah dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa tallaabo wanaagsan ku tilmaamay in Ciidanka ammaanka ay soo qabteen eedaysanayaashii dilay saddexda ruux ee dhalinyarada ahaa, kuwaasi oo lagu kala dilay Isgoysyada Soobe iyo Dabka ee Muqdisho.

Rooble ayaa amray in si deg deg ah sharciga loo horgeeyo eedaysanayaashii loo soo qabtay dilalka loo geystay Allaha u naxariistee Sakariye Maxamuud Xuseen, Sowda  Maxamuud Xuseen iyo Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud, si eheladoodu caddaalad u helaan.

Laamaha amniga dowladda ayaa gacanta kusoo dhigay dad lagu tuhmayo dilalkaas ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka lasoo qabtay ay yihiin  Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo haatan ay ku socdaan baaritaano kala duwan, isla markaana Booliska shaaciyay in sharciga la horgeyn doono dadka la qabtay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts