HomeWararTaliska Booliska oo soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Dowladda Federaalka

Taliska Booliska oo soo saaray Digniin ku socota Ciidamada Dowladda Federaalka

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota Ciidanka dowladda qeybahooda kala duwan, kadib dilal saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo ay ka geysteen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Afhayeenka Booliska Cabditaax Aadan Xasan oo xalay shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda aan laga aqbali  doonin dhibaateynta shacabka, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray Digniin ku socota Ciidanka dowladda qeybahooda kala duwan, kadib dilal saacadihii lasoo dhaafay Ciidamo ay ka geysteen Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Cabditaax Aadan Xasan oo xalay shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka dowladda aan laga aqbali  doonin dhibaateynta shacabka, isla markaana tallaabo adeg la qaadi doono Askarigii dil u geysta qof shacab ah.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay in Ciidamada looga baahan yahay inay dul-qaad muujiyaan, xiliyada ay marayaan waddooyinka mashquulka badan uu ka jiro, ayna joojiyaan rasaasta ay sida sharci darrada u riyadaan, isagoona xusay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo waxyeeleysa shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeen Cabdittaax Aadan Xasan ayaa waxaa uu sheegay in la qabtay Askari kamid ah Ciidanka dowladda oo fiidnimadii xalay Wiil dhalinyaro ah ku dilay Isgoyska Soobe, kaasi oo lagu magacaabi jiray Mahad Cabdiraxmaan Maxamuud.

Afhayeenka Booliska ayaa xaqiijiyay in Askariga uu haatan xiran yahay, isla markaana sharciga la horgeyn doono isaga iyo Askar kale oo ka tirsan Milateriga, laguna tuhmayo inay dileen Sakariye Maxamuud Xasan iyo Sowdo Maxamuud Xasan oo walaalo ahaa.

- Advertisement -

Guddoomiye ku-xigeenka amniga Maamulka Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa isna Warbaahinta u sheegay inay ka xun yihiin falalkii ka dhacay Muqdisho ee lagu dilay Sakriye, Sowdo iyo Mahad Cabdiraxmaan, kuwaasi oo dhammaantood ahaa shacab.

Cali Yare ayaa sheegay in falalkaas dad soo qabtay oo ay ku socdaan baaritaano, isla markaana sharciga la marsiin doono, isagoona la sheegay in aan la aqbali doonin in shacabka la dhibaateeyo, wuxuuna kusii daray in Taliska Ciidanka Milatetiga kala hadlayaan wax la qabshada falalka ay geystaan Milateriga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts