HomeWararMaamulka Galmudug oo Maanta soo Gaba-geeyay Doorashada Aqalka Sare

Maamulka Galmudug oo Maanta soo Gaba-geeyay Doorashada Aqalka Sare

Date:

Related stories

Mucaaradka iyo Safiirka Turkiga oo ku shiraya hoyga Shariif Sheekh Axmed

Safiirka Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka oo ku shiraya hoyga Sheekh Shariif.

Xog: Maxay tahay xarunta cusub ee ‘Halmeel’ ee maanta Golaha Wasiirradu ansixiyeen?

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey dhismaha xarunta adeegga mideysan ee "Halmeel".

Kuleylkii oo laga nastay: Roobka maanta ka da’ay Muqdisho oo dadku ku diirsadeen.

Dadweynaha oo si weyn u soo dhaweeyay nafiskan ka dib kulaylkii jiray.

Turkiga oo ka dhabeynaya ballantii: Ciidamada Soomaaliya oo helaya garab cusub oo toos ah.

Turkiga oo ballan-qaaday taageero toos ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish.

Xog: Sirdoonka qaranka oo fashiliyay shirqool weyn oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal dhabbagal ah ka fulisay Shabeellaha Dhexe.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta oo sabti ah lagu soo gaba-gabeeyay doorashada kuraasta Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Galmudug,

Doorashadii Maanta dhacday ayaa waxaa lagu doortay laba Senator oo kamid noqday Golaha Aqalka Sare, waxaana kursiga 7-aad kusoo baxay Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii la tartamayey ee Cawil Nuur Cali.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa Cod gacan taag ah ku doortay Cabdi Qeybdiid oo helay 83 Cod, halka kursiga 8-aad ee Aqalka Sare ee Galmudug uu ku guuleystay Cabdi Cismaan Xareed, isagoo ka guuleystay Musharax Mahad Guuleed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal oo ku dhawaaqay natiijada doorashada ayaa ku shaaciyay in doorashadii Maanta ay kusoo baxeen Cabdi Qeybdiid iyo Cabdi Cismaan Xareed, kuwaasi oo kamid noqday Senatorada Aqalka Sare.

Wafdi ka kala socda Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka iyo Guddiga doorashada Galmudug ayaa goobjoog ka ahaa doorashadii Maanta oo sabti ah ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa nqoday maamulka ugu dambeeyay ee dhameystira doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana horey u dhameystiray maamul Goboleedyada, Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories